Madaxweyne Gaas oo cambaareeyey weerarkii ka dhacay magaalada Gaarisa ee dalka Kenya.[Cod/Masawiro]

April 3, 2015 - Written by Editor

1Garoowe:-Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa gelinkii dambe ee maanta shir jaraa’id ku qabtay Aqalka Madaxtooyada Puntland ee Garoowe, kaasi oo ay goob joog ka ahaayeen Madaxweyne ku xigeenka Dawladda Puntland Eng : Cabdixakiin Cabulaahi Cumar Camey iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland Siciid Xassan.

War murtiyeedkaas ayuu Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ku cambaareeyey weerarkii kooxda argagaxisada ah ee ururka Al-shabaab ku qaadeen Jaamacad ku taala magaalada Gaarisa ee Dalka Kenya.

Madaxweyne Gaas ayaa falkaas lagu laayey dad masaakiin ah oo aan waxna galabsan watayna shaqooyinkooda iyo waxbarashadooda ku tilmaamay fal waxuushnimo oo ay geysteen kooxda nabad diidka ah ee ururka Alshabaab oo marba marka ka dambeysa awoodoodu sii yaraanayso.

” Dawladda Kenya oo saaxiib gaar ah la ah Dawladda Puntland, Soomaaliyana waxbadan u tartay oo aan la wada socono markii dalkeeni burburay ay dadkeeni ku soo dhaweeyeen dalkooda, hadana dad badan oo soomaaliyeed ayaa si nabad-gelyo ah ku jooga waan uga tacsiyeeynaynaa dhibaatadaasi soo gaartay” Ayuu yiri Madaxweyne Gaas.

” Waan ognahay dawladda Kenyana waa ay ogtahay waxaa ay yihiin kuwaa falka wuxuushnimo geystay, Soomaali maahan, islaan maahan mabda’ Somaaliyeed mawataan bini’aadanimadana meelna kama soo gasho in dad intaas tiro leeg la xasuuqo, waan cambaaraynaynaa falkaasi” Ayuu hadalkiisa sii raaciyey Madaxweyne Gaas.

” Waxaan tacsi u diraynaa Madaxweynaha Dalka Kenya Uhuru Kenyata, dawladda Kenya, Baarlamaanka Dalkaasi Kenya iyo dhammaan shacabka dalka Kenya, eheladii iyo asxaabti iyana ay ka dhinteen dadkaasi tacsi gaar ah ayaan u diraynaa ” Ayuu yiri Madaxweyne Gaas.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa Dawladda Kenya u sheegay in falka ay dadkaasi geysteen uu iyaga keli ku yahay, mana jirto cid Soomaaliyeed oo la wadaagta sida uu Madaxweynuhu sheegay.

” Waan iska garan karnaa in marka uu dhibka noocaasi ah oo kale uu dhaco ay dhibaato soo gaarto dadka Soomaaliyeed ee ku nool dalka Kenya, marka sidaa daraadeed waxaan ka cududaaranaynaa inaan wax dhibaato ah loo geysan dadka Soomaaliyeed ee kunool wadankaasi, dawladuna sidii ay awalba utixgelinaysay ay u tixgeliso dadkaasi Soomaaliyeed nabadoodana la sugo ” Ayuu yiri Madaxweyne Gaas.

no images were found

Hoos ka hagayso Shirkii Jaraa’id ee Madaxweyne Gaas uga hadlay dhacdadii Jaamacadda Gaarisa

[audio: http://k003.kiwi6.com/hotlink/v1mgo4vv2g/gaas2.mp3]

-DHAMMAAD-

Xafiiska Warfaafinta, Wacyigelinta, Hiddaha Iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada Puntland.

Leave a comment

*

Archives
April 2015
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
27282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online