Mu’assasada Minhaaj Galdogob oo soo afmeertay Ololihii la dagaalanka Qabyaalada.[Masawiro]

April 9, 2015 - Written by Editor

2Galdogob:-Galabnimadii Jimcaha ee ku beegnayd 3/4/2015 ayaa waxaa ka dhacay xarunta Mu’assasada kulan balaaran oo ay soo agaasintay Mu’assasada Dacwada iyo horumarinta ee Al-minhaaj laanteeda Galdogob. Kulanka oo ay soo buuxdhaafiyeen guud ahaan qaybaha bulshada, hogaanka dhaqanka iyo waliba maamulka Puntland heer gobol iyo heer degmo, ayaa wuxuu ahaa mid ay bulshadu si fiican ugu riyaaqday.

Kulanka ayaa gabagabo u ahaa olole socday labo usbuuc oo bulshada deegaanka looga wacyigalinayey qabyaalada aafaysay dadka soomaaliyeed, labadaas usbuuc waxay Mu’assasadu qabatay muxaadarooyin, siminaaro, khudbooyin, dacwo Shaaric,booqashooyin goobaha waxbarashada iyo tuulooyinka iyo waliba kulamo goongooni ah oo bulshada loogu sharaxayey dhibaatada qabyaaladda.

Isla markaas waxaa ka soo qaybgalay Abuukar Cawaale Qaad-diid oo kulankaas uga hadlay dhibaatooyinka qaadka kaasoo daahfur u noqday ololihiisii dabragooynta qaadka oo mudo 3bari ah uu degmada ka wadey. Guud ahaan bulshada ayaa aad usoo dhawaysay labada olole oo kulankaas midna lagu gabgabeeyey midna lagu daahfuray.

no images were found

Mu’assasada Minhaaj
Galdogob,Somalia

Leave a comment

*

Archives
April 2015
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
27282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online