Nadwadii Sanadlaha ahayd ee ka socotay magaalada Boosaaso oo gashay Habeenkeedii Saddexaad.[Masawiro]

April 17, 2015 - Written by Editor

20150417_184139Boosaaso:-Waxaa habeenkii Saddexaad gashay Nadwadii sanadlaha ahayd ee ka socotay Masjidka Al- rowda ee magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari. Muxaadarada caawa oo cinwaankeedu ahaa Usuusha caqiidada shiicada, ayaa waxa soo jeediyay Sh.Cabdi Qani Qorane.

Ugu horayn sheekhu waxa uu sheegay in umaddan ilaahay u soo diray nabi Muxamed scw waxana lala soo diray diin dhamays tiran Intaa ka dib waxa uu sheekhu sheegay in nimanka shiicada layiraahdo aynu ku kala duwanahay intaan wax kale lagaarin towxiidka diinta lagu soo galo oo towxiidka qaybta dambe ee ah “ waxaan qiraynaa in nabi muxamed uu yahay rasuulkii ilaahay” shiicadu halkaas waxay ka dhigeen” waxaan qiraynaa in cali yahay waligii ilaahay.”

Sheekhu waxa uu sheegay in shiicadu aaminsanyihiin in iyaga iyo ilaahay ay u dhexeeyaan imaamyadoodu oo iyagu wakiil uyihiin alle umaddiisa taasina ay ka dhigantahay inaadan alle gaari karin inaad iyaga sii martid maahane, halka alle wayne uu kitaabkiisa quraanka ah uu ku leeyahay “ Aniga ibraya waan idin ajiibayaaye.”

Shiicadu waxay sheegeen oo kamida hadalada kutubtooda ku qoran wax la sameeyo oo camal ah waxaa ugu fadli badan in lasoo booqdo qabriga xuseen ibnu cali waxayna ka fadli badan tahay kacbada in la booqdo. Waxay aaminsanyihiin in imaamyadoodu aysan dhiman ilaa ay iyagu doonaan maahane, sidaa darted shiicadu waxay siiyeen xaqii alle lahaa cid kale waxayna ku dheceen shirki aad u wayn.

Xagga magacyada alle iyo sifaadkiisa aad iyo aad bay ugu xadgudbeen tuusaale ahaan waxay dheheen ilaahay waxa uu ka abuuray malaa’igata wajhiga cali ibnu abii daalib iyo nuurkiisa. Waxay aaminsan yihiin in Faadumo la siiyay Kitaab u gaara waxayna yiraahdeen Kutubtii la soo dajiyay oo dhan waxa haya imaamyada iyaga ayaa marba qaar dadka u sheega.

Sheekhu wuxu sheegay in annaga iyo shiicadu aynaan isku masaadir ahayn ,waxay rumaysan yihiin in quraanku leeyahay macaani muuqata iyo macaani qarsoon, sidoo kale waxay aaminsan yihiin in qur’aanka wax laga badalay , halka alle quraankiisa noogu sheegay inuu Kitaabkan xafiday, sunnada nabigeena scw iyo kutubta laga qoray ma rumaysna shiicada umana tirsana.
Xagga asxaabta Nabiga scw waxay ka rumaysan yihiin inay diintii badaleen markii nabigu dhintay, tusaale ahaan waxay ka aaminsanyihiin abubakar iyo cumar inay yihiin labo Sanam.

Sheekhu waxa uu sheegay in ilaalahay inoo soo dajiyay kitaab saxa nabigeenuna scw horay ayuu noo sheegay in umadan ay iskhilaafayso.Sidaa darteed shicadu waxay ku xad gudbeen dadkii alle quraankiisa ku ammaanay nabiguna iyagoo nool jannada ugu bishaareeyay.

Shiikha oo hadalkiisa sii wata ayaa gabagabadii muxaadarda yiri: haddaba waxaa inala gudboon inaan ka digtoonaano shalay hadday durugsanaayeen manta waa kula joogaan , waxaa hadda jira dhalin yaro badan oo loo dirayo karbala oo laga dhoofiyay qaar ka mid ah magaalooyinka soomaalida, qaar kale oo la diri doonana deegaanada qaarkood lagu aruuri naayo.

Nadwada intay socotay ayaa shiikhu waxa uu u soo bandhigay dadkii nadwada dhagay sanayay dhowr Video oo ah dad soomaaliyeed oo la shiicaynayo, towxiidka ay shiicadu aamin santahayna loo qabanayo. Intaa ka dib waxa loo gudbay qaybtii labaad ee darsiga caaway, oo ahayd qaybta su,aalaha ay dadku soo gudbiyeen ay culimadu uga jawaabaan , waxaana caawa su,aalihii dadku soo gudbiyeen ka jawaabayay Sh.Daahir Aw cabdi iyo Sh. Maxamuud Xaaji Yuusuf.

no images were found

Mu’ssadda Al-Minhaaj
Bosaso, Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
April 2015
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
27282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online