Qaadka Iyo Dhibaatooyinkiisa W/Q Faarax Axmed Muuse

April 29, 2015 - Written by Editor

IMG_1260Waxaa dhab marag ma doonta ah in uu qaadku ku hayo dhibaato caafimaad iyo mid dhaqan dhaqaale umada soomaaliyeed, waxaa muuqata in ruugista iyo ka ganacsiga qaadku ay sii kordheysay labaatankii sano ee u danbeysey. Qof kasta oo soomaali ahi waxaa uu markhaanti ka yahay in maandooriyaha qaadku dhib ba’an ku hayo kobaca dhaqaalaha, nabadgelyada, jiritaanka qoyska, caafimaadka iyo fekerka suuban ee ummada. Sidaa daraateed waxaa lama huraan ah in aan si kooban oo cilmiyeysan uga hadalno geedka qaadka, taariikhda cunista qaadka, dhiska khiimikaad ee qaadka, waxyeelooyinka caafimaad ee qaadka, dhibaatooyinka dhaqan dhaqaale ee qaadka iyo siyaabaha ugu haboon ee lagu xakameyn karo cunista iyo ka ganacsiga qaadka.

Geedka Qaadka

Magac sayniseedka geedka qaadka waa Catha edulis oo macnihiisu yahay qaadka la cuno, magacan waxaa baxiyey cilmi bare u dhashay dalka Iswiidhan lana oran jiray Peter Forsskal,  ninkani waxaa  uu ka mid ahaa rag cilmibaarayaal ahaa oo uu boqorkii shanaad ee Denmark (Frederick V)  1760 uu diray in ay sahan iyo cilmibaaris ku soo sameyaan dhulka shaam iyo khaliijka ee ay carabtu degto, Petter Forsskal  waxaa uu ku dhintay dalka Yemen 1763 waxaase qoraaladiisu iyo cilmibaaristii uu ku sameyay geedka qaadka faafiyey saxiibkiis Niebuhr 1775 kaas oo ku weheliyey safarkiisa. Halkaan ka akhri maqaalka oo dhamaystiran

W/Q Faarax Axmed Muuse
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
April 2015
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
27282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online