Qarax ka dhacay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug oo geystay khasaaro kala duwan
April 7, 2015 - Written by EditorGaalkacyo:-Wararka ka imaanaya magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ayaa sheegaya in qarax miino loo dhigay gaari uu la socday Guddoomiye ku xigeenka gobolka Mudug ee Puntland Axmed Muuse Nuur. Guddoomiye ku xigeenka gobolka Mudug ee Puntland Axmed Muuse Nuur ayaa ka badbaaday qarax miino ee loo dhigay gaarigiisa waxaana sidoo kale ka badbaaday qaraxa laba ka mid ah ilaaladiisa oo la socday.
Qarax labaad ayaa waxaa uu uu ka dhacay isla goobta ka dib markii ay ku soo xoomeen goobta arday iyo dad shacab ah oo eegayey sidda ay wax u dhaceen waxaana lagu qarxiyey miino lagu aasay isla goobta waxaana waxyoolo ay soo gaartay dad shacab ah oo gaaraya ilaa 8 ruux .
Guddoomiye ku xigeenka gobolka Mudug ee Puntland Axmed Muuse Nuur ayaa shirjaraa,id ku qabtay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug wuxuuna sheegay in uu ka badbaaday isku day lagu khaarajin lahaa.
Wararka ugu danbeeyey ee naga soo gaaraya magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug ayaa sheegaya in qaar ka mid ah dadkii dhaawacmay ay xaaladoodu halis tahay laguna dabiibayo Isbitaalka weyn ee Gaalkacyo.
M_M Deeq
Halgan.net