Qarax ka dhacay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug oo geystay khasaaro kala duwan

April 7, 2015 - Written by Editor

gaalkacyoGaalkacyo:-Wararka ka imaanaya magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ayaa sheegaya in qarax miino loo dhigay gaari uu la socday Guddoomiye ku xigeenka gobolka Mudug ee Puntland Axmed Muuse Nuur. Guddoomiye ku xigeenka gobolka Mudug ee Puntland Axmed Muuse Nuur ayaa ka badbaaday qarax miino ee loo dhigay gaarigiisa waxaana sidoo kale ka badbaaday qaraxa laba ka mid ah ilaaladiisa oo la socday.

Qarax labaad ayaa waxaa uu uu ka dhacay isla goobta ka dib markii ay ku soo xoomeen goobta arday iyo dad shacab ah oo eegayey sidda ay wax u dhaceen waxaana lagu qarxiyey miino lagu aasay isla goobta waxaana waxyoolo ay soo gaartay dad shacab ah oo gaaraya ilaa 8 ruux .

Guddoomiye ku xigeenka gobolka Mudug ee Puntland Axmed Muuse Nuur ayaa shirjaraa,id ku qabtay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug wuxuuna sheegay in uu ka badbaaday isku day lagu khaarajin lahaa.

Wararka ugu danbeeyey ee naga soo gaaraya magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug ayaa sheegaya in qaar ka mid ah dadkii dhaawacmay ay xaaladoodu halis tahay laguna dabiibayo Isbitaalka weyn ee Gaalkacyo.

M_M Deeq
Halgan.net

 

Leave a comment

*

Archives
April 2015
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
27282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online