Ra’iisul wasaaraha DFS Dr.Cumar Cabdirashiid oo si weyn loogu soo dhaweeyey Garoowe.[Masawiro]

April 10, 2015 - Written by Editor

3Garoowe, 10. April, 2015…Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cumar C/rashid Cali Sharmarke iyo wafti uu hogaaminayo ayaa galabta ka soo degay garoonka diyaaradaha ee Garoowe, Waftiga Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa ka mid ah Wasiirka Qorshaynta iyo Iskaashiga Caalamiga, Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta, Wasiirka Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka, Wasiirka Batroolka iyo Macdanta, Wasiirka Xanaanada Xoolaha, Wasiirka Dastuurka, Wasiiru dowladaha Gaashaandhiga, Wasiiro ku xigeeno, Xildhibaano iyo Lataliyayaasha qaar ka mid ah wasaaradaha dowladda.

Ra’iisuL Wasaaraha iyo Waftigiisa waxaa garoonka diyaaradaha ku soo dhaweeyey Madaxweynaha Puntland Cabdiwali M. Cali Gaas, Madaxweyne ku xigeenka Puntland Cabdixakin C. Cumar Camey, Gudoomiyaha Baarlamaanka, Wasiiro, Isimo, Ururada dhalinyarada iyo dadweyne aad u faro badan oo safnaa garoonka diyaaradaha iyo hareeraha wadooyinka waaweyn ee magaalada Garoowe.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada FS iyo Madaxweynaha dowlada Puntland oo si wada jir ah saxaafada ula hadlay ayaa sheegay iney yeelan doonaan kulamo looga hadlayo adkaynta xiriirka ka dhexeeya Puntland iyo dowlada federaalka ah iyo wada tashi ku saabsan sida looga dhabayn karo higsiga 2016 oo muhiimad gaar ah u leh dhamaystirka dastuurka iyo in dalka la gaarsiiyo doorashooyin xor ah.

no images were found

—DHAMAAD—

Waaxda Warfaafinta Xafiiska RW

Leave a comment

*

Archives
April 2015
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
27282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online