RW Sharmaake: “Waxaan idiin xaqiijinayaa in xiriirka u dhaxeeya Sweden iyo Soomaaliya uu yahay mid adag”
April 17, 2015 - Written by EditorMuqdisho:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Dr.Cumar Cabdirashid Cali Sharmarek ayaa shalay kulan la qaatay Safiirka Sweden u fadhiya Soomaaliya Mikael Lindvall, waxayna ka wada hadleen xoojinta Xariirka ka dhexeeya labada dal.
“Waxaan shalay la qaatay kulan miro dhal ah Safiirka Swden u fadhiya Soomaaliya Mikael Lindvall, waxaana idiin xaqiijinayaa in xiriirka adag , uu ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Boqortooyada Swden uu yahay mid adag, waxaan si qoto dheer u muujinayaa in Boqortooyada Swden ay la garab taagan tahay Soomaaliya taageero dhan kasta ah, kuna bixiso dhaqaale aad u balaaran dib u dhiska iyo dhismaha Hay’adaha dowalada, ayna ka taagan tahay kaalin muuqata muuqta kaalamada beesha caalamku siiso Soomaaliya” ayuu yiri RW Cumar
Ra’iisul Wasaare cumar ayaa sheegay in dalka Swden uu hoy u yahay kumanaan qof oo Soomaali ah, kuwaas oo ugu nool sida dalkoodii oo kale, iyagoo kaalin muuqata ka qaata taageerida qoysaskooda iyo saaxibadooda jooga Soomaaliya.
“Dalka Sweden wuxuu leeyahay dhaqan iyo taarikh fog oo ku dhisan ixtiraamka dhamaan diimaha kala duwan sida Diinta Islaamka, horumarinta xuquuqul insaanka iyo soo dhaweynta dadka haysta dhaqamada kala duwan.”
“Xiriirka labada dal wuxuu ku taarikhaysan yahay xiligii Soomaaliya xornimada qaadatay, wanaajinta xiriirka labada dal waxaa saldhig u ah ka wada shaqaynta nabada, xasilooni ku soo dabaalida Soomaaliya iyo kor u qaadida dulqaadka iyo ixtiraamka dadka kala diimaha ah” ayuu yiri RW Cumar.
—DHAMAAD—
Waaxda Warfaafinta Xafiiska RW
Muqdisho,Soomaaliya