Shirka Maamul u sameynta gobalada dhexe oo dib u dhacay
April 11, 2015 - Written by EditorCadaado:-Shirka maamul u sameynta gobalada dhexe oo lagu waday maanta oo Sabti ah inuu ka furmo Degmada Cadaado ee Gobolka Galgaduud, ayaa dib u dhac ku yimid ka dib markii ergo ka tirsan beesha caalamka iyo madax ka tirsan DFS ay iman waayeen. Waxaa kale oo sababaha uu shirka u furmi waayey lagu sheegay diidmada Maamulka Ximan iyo Xeeb kuwaas oo ku gacan seyray in xarumta maamulka G/dhexe laga dhigo Degmada Dhuusa-mareeb
Guddoomiyaha gobolka Galgaduud ee DFS Xuseen Cali Wehliye (Cirfo) ayaa xaqiijiyey inuu dib u dhac ku yimid shirka maamul u sameynta gobollada Dhexe wuxuuna sheegay in dib u dhaca uu yimid kadib markii sidii la rabay uusan u dhicin diyaar garowga shirka maamul u sameynta G/dhexe iyo in masuuliyiinta DFS iyo kuwa beesha caalamka oo aan tagin Cadaado.
Guddoomiyaha gobolka Galgaduud ee DFS Xuseen Cali Wehliye (Cirfo) ayaa sheegay in shirka Maamul u sameynta G/dhexe uu furmi doono maalinta talaadada iyadoo guddiga farsamada ay maanta gaareen degmada Cadaado.
A/Cawale
Halgan.net