Shirka Maamul u sameynta Gobollada dhexe oo maanta Cadaado ka furmay
April 16, 2015 - Written by EditorCadaado:-Wararkii ugu danbeeyay ee naga soo gaaraya magaalada Cadaado ee Xarunta Maamulka Ximan iyo Xeeb ayaa sheegaya in uu furmay Shirka Maamul u sameynta Gobollada Dhexe, Madaxweynaha DFS Xassan Sheekh Maxamuud ayaa furay wuxuuna khudbad ka jeediyey xarunta uu ka soconayo Shirka Maamul u sameynta Gobollada Dhexe madaxweynaha DFS ayaa sheegay in laga shaqeeyo siddii looga dhisi lahaa goballada dhexe maamul goballeed loo wada dhan yahay.
Waxaa sidoo kale goobta ka hadlay Ugaasyo ,Nabadoono iyo Masuuliin ka tirsan Maamulka Ximan iyo Xeeb kuwaas dhamaan soo dhaweeyey in uu maanta ka furmo magaalada Cadaado Shirka Maamul u sameynta Gobollada Dhexe. Madaxweynaha DFS Xassan Sheekh Maxamuud iyo Odayaasha Dhaqanka Maamulka Ximan iyo Xeeb ayaa isku Afgartay khilaaf yar oo soo dhexgalay labada dhinac.
Wararka soo faahfaahin ah ee soo kordha kala soco Halgan.net
A/Cawale
Halgan.net