Shirka Tana Forum ee ka soconaya Dalka Ethiopia oo maalintii labaad galay (Masawiro)

April 19, 2015 - Written by Editor

IMG_1090Muqdisho:-Waxaa maalintii labaad galay shirka looga hadlayo amaanka qaaradda Afrika ee ka soconaya magaalada Bahar-daar ee dalka Ethiopia , waxaana maanta khudubado kala duwan ka jeediyey madaxdii ka qeyb-gashay badankood.

Shirkaan waxaa ka qeyb-galaya hogaamiyaal muhiim u ah qaarada afrika oo uu kamid yahay Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, madaxweynayaasha dalalka Sudan, Ethiopia , koonfurta Sudan iyo saraakil sare oo ka socda dalalka afrika qeybtood.

Kullanka sanadkaan ayaa inta badan waxaa diiradda lagu saaray sidii meel looga soo wada jeesan lahaa ladagaalanka iyo soo afjarista argagixisada oo marba marka ka dambeeya awoodoodu sii yaraanayso islamarkaana bilaabay xeelado kale oo ay weeraro argagixisnimo ay ku fulinayaan.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo khudbad ka jeediyey madasha uu shirku ka socdo ayaa ku baaqay in muhiim tahay in layska kaashado dagaal ka dhan ah argagixisada iyo xagjirnimada si loo sugo amaanka qaaradda Africa.

Sidookale Madaxweyne Gaas ayaa madaxda afrika ku booriyey in meel looga soo wada jeesto cidkasta oo amniga qaaradda afrika khalkhal ku ah oo ay ugu horeeyaan kooxa xagjirka ah Al-qaacida iyo urur diimeedka Al-shabaab.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa xusay sida Dawladda Puntland uga xun tahay dhacdadii ugu dambaysay ee ka dhacday dalka Kenya gaar ahaan magaalada Gaarisa oo lagu laayey arday badan, falkaas ayuuna madaxweynuhu ku tilmaamay fal waxuushnimo.

no images were found

Shirka Tana Forum ee lagaga xaajoonayo ammaanka qaaradda Afrika, waa markii labaad oo uu Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Gaas uu ka qeyb-galo, kana jeediyo khudbad taariikhi ah oo dhinacyo badan taabanaysa.

-DHAMMAAD-

Xafiiska Warfaafinta, Wacyigelinta, Hiddaha Iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada Puntland.

Leave a comment

*

Archives
April 2015
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
27282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online