Taliyaha qaybta booliska gobolka Nugaal oo ka warbixiyey qaraxii ka dhacay Garoowe.[Dhagayso]
April 20, 2015 - Written by EditorGaroowe:-Taliyaha qaybta booliska gobolka Nugaal Axmed Cabullaahi Samatar (Layli) oo waraysi gaar ah siiyey Radio Garowe ayaa waxaa uu faahfaahin ka bixiyey qaraxii is midaaminta ahaa ee saaka lala eegtay gaari Bus ah oo ay la haayeen Hay’adda Qaramada Midoobey ee magaalada Garowe.
Taliyaha qaybta booliska gobolka Nugaal Axmed Cabullaahi Samatar (Layli)ayaa sheegay in qofka is qarxiyey uu saarnaa gaariga ay la socdeen Shaqaalaha Qaramada Midoobey ee magaalada Garowe.
Taliyaha qaybta booliska gobolka Nugaal Axmed Cabullaahi Samatar (Layli)ayaa sidoo kale xusay in khasaaraha ka dhashay uu yahay 7 qof o dhimasho ah iyo 7 kale oo dhaawac ah, dadka dhintay ayaa 5 ka mid ah ay tahay Ajnabi halka 2 ka mid ah ay yihiin Soomaali.
Dhinac dadka ku dhaawacmay qarax ayaa Taliyaha qaybta booliska gobolka Nugaal Axmed Cabullaahi Samatar (Layli) waxaa uu ku sheegay 5 ka mid ah in ay yihiin Soomaali 2 ka md ahna ay yihii Ajaanib.
Warar hoose oo hrdhac ah oo soo gaaray Halgan.net ayaa sheegay in qofka is qarxiyey uu ahaa mid ka mid ah shaqaalaha hay’addaha Qaramada Midoobey ee magaalada Garowe oo dhawaan shaqadu laga fariisiyey.
[audio: http://k003.kiwi6.com/hotlink/edgrql04l8/Taliyelayli.mp3]M_M_Deeq
Halgan.net