Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka G/dhiga DFS oo gaaray degmada Caabudwaaq

April 2, 2015 - Written by Editor

g_dhigaCabudwaaq:-Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane C/qaadir Sheekh Cali Diini, ayaa maanta gaaray Degmada Caabudwaaq ee waqooyiga gobolka Galgaduud, waxana wafdiga kamid ah Wasiir ku xigeenka Dastuurka Mudane C/laahi Yuusuf Allenkey, La-taliyaha dhinaca Siyaasadda ee Wasaaradda Gaashaandhigga, Saahid M. Cali, (Qodhob) Xildhibaanno kasoo jeeda deegaanka, Siyaasiyiin iyo Waxgarad, waxana ujeedka socdaalkooda yahay in wada tashi lala yeesha bulshada dhaqan deegaanka waqooyiga Galgaduud, si ay doorkooda uga qaataan nabad kusoo badaallida dalka iyo raadinta dowladnimada Soomaaliya.

Wasiirka iyo Wafdiga la socda ayaa waxaa si diiran ugu soo dhaweeyay magaalada Caabudwaaq, masuuliyiinta degmada iyo qeybaha kala duwen ee bulshada. Waxana soo dhaweynta kadib uu kulan la qaatay bulshada ku dhaqan degmada Caabudwaaq.

Guddoomiyaha degmad Caabudwaaq Mudane C/risaaq Xasan Cowll oo ka hadlay kulanka soo-dhawaynta, ayaa Wasiirka iyo wafdiga la socda uga mahad-celiyay booqashada uu ku soo gaaray degmada Caabudwaaq.

”Waan ku faraxsanahay mudane Wasiir adiga iyo Wafdiga aad hoggaaminayso booqashada aad maanta noogu timaadeen, shacabkii degmada ku noolaa dhammaantood waa ku sugayaan. Waxaan filaynaa muddada aad nala joogtaan inaad wax badan ka ogaan doontaan xaaladda degamada Caabudwaaq oo runtii ay ka jiraan baahiyo kala duwan oo u baahan in wax laga qabto” ayuu yiri Guddoomiye degmada Caabudwaaq.

Ugu danbayntii, waxaa Munaasabadda soo xiray Wasiirka Gaashaandhigga Mudane C/qaadir Sheekh Cali Diini, oo shacabka iyo maamulka degmad Caabudwaq uga mahad-celiyey soo-dhaweynta aan loo kala harin ee ay u sameeyeen isaga iyo wafdigiisa, wuxuuna ballan-qaaday in dowladdu ay wax badan ka qaban doonto baahiyaha degmada.

“Waxaan idin kaga mahad celinayaa soo dhaweynta aad noo sameyseen aniga iyo wafiga ila socda, Dawladda Federaalka Soomaaliya waxay mar walba dhiirri-galineysaa shacabkeedu in ay iyagu door ku yeeshaan dhismaha dowladnimada isla markaana ay dowladdu u fududeyneyso inay sameystaan Maamulo ku dhisma habraaca Dastuurka Federaalka iyo Shuruucda dalka. Waxaan wadatashi ka yeelan doonaa wax walba oo horumar keeni kara sida dhismaha maamullada, dhismaha Ciidan qaran iyo baahida kala duwan ee deegaanka ka jirta” ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhigga Gen. C/qaadir Sheekh Cali Diini.

Wafdiga uu hoggaaminayo Wasiirka Gaashaadhigga Soomaaliya ayaa ku sugnaan doona degmada Caabudwaaq maalmaha soo aadan waxayna kulamo kala duwan la yeelan doonaan shacabka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan deegaanka Waqooyiga Galgaduud, si loo dhageysto aragtida, Siyaasiyiin, Waxgaradka iyo shacabka deegaanka.

—DHAMMAAD—-

Leave a comment

*

Archives
April 2015
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
27282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online