Warbaahinta gudaha dalka Kenya oo soo bandhigtay Liiska akoonnada la Xanibay (Akhriso)
April 8, 2015 - Written by EditorNairobi:-Warbaahinta gudaha dalka Kenya ayaa soo bandhigay liiska shirkadaha xawaaladaha Soomaalida ee la xayiray iyo shaqsiyaadka ka kooban 86-da ruux oo la xanibay akoonadooda waxaana liiska ka soo muuqday qaar ka mid ah culumada Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Kenya waxaana ka mid ah
1-Sheekh Maxamed Cabdi Umal
2-Sheekh Maxamed Sheekh Cismaan
3-Sheekh Maxamed Ahmed Bedal
Culumada Soomaaliyeed ee in badan ka hadashay fikirka guracan ee Al-Shabaab ayuu ka mid yahay Sheekh Maxamed Cabdi Umal xafidahulaahn waxaase wax lala yaabo ah in dowlada Kenya iyo amniyaadka Al-Shabaab ay isku u ugaarsanayaan culumada Soomaaliyeed iyaga oo qaar ka mid ah dilay iyaga oo Salaad ka soo baxay halka qaar kale ay dileen iyaga salaada ku jira
Halgan.net ayaa idiin soo gudbin doonta faahfaahin intaa ka badan hadii alle idmo
A/Cawale
Halgan.net