Wasiirka G/dhiga DFS oo Hambalyo u diray Ciidamadda Xogga dalka Soomaaliyeed

April 12, 2015 - Written by Editor

BH0A6100Muqdisho:-Wasiirka Gaashaandhigg Soomaaliya Gen. C/qaadir Sheekh Cali Diini, ayaa ugu hambalyeeyay dhammaan qeybaha kala duwan ee Ciidamadda Xogga dalka Soomaaliyeed, sanad guuradii 55aad ee ka soo wareegtay aas-aaskii ciidanka XDS.

“Ugu horreyntii waxaan leeyahay HAMBALYO, HAMBALYO, HAMBALYO dhammaan ciidanka XDS iyo qoysaskooda, waxaan idin kugu hambalyeynayaa Sanadguurada 55aad ee aas-aaskii ciidanka XDS. XDS waxuu leeyahay taariikh soo jireen ah oo ummadda Soomaaliyeed ay ku faani karaan”ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhigga Mudane C/qaadir Sheekh Cali Diini.

Wasiirka ayaa sheegay maanta in ay tahay  maalin qaali ah oo dalkeennu yeeshay ciidan difaaca jiritaankiisa iyo qaranimadiisa, isagoo xusay in halgankii dheeraa ee ay soo galeen hadana ay wadaan   Ciidamada XDS  ay  ku suntan tahay taariikhdeena, dalkeenuna u soo maray adkaynta dawladnimadiisa iyo dhismihii dalka oo Ciidanku Kaalin mug leh ka soo qaatay.

Wasiirka Gaashaandhigga oo sii hadlayay ayaa yiri  “Iyadoo ay muddo nus qarni ka badan ka soo wareegtay asaaskii Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya. Maanta waxaan joognaa meel bilow ah oo aynu dib ugu dhisayno Ciidamadii Xoogga Dalka, haddii aan aan dib loo dhisin Ciidamadana lama xallin karo dhamaan mushkiladaha haysta dalka ee ammaanku ugu horreeyo”

—-DHAMMAAD—

Leave a comment

*

Archives
April 2015
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
27282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online