Wasiirka G/dhiga DFS oo soo gaba-gabeeyay socdaalkii uu ku tagey Degmada Caabudwaaq (Masawiro)

April 6, 2015 - Written by Editor

IMG_9398Muqdisho:-Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane C/qaadir Sheekh Cali Diini oo maalmahan socdaal shaqo ku joogay degmada Caabudwaq ee gobolka Galgaduud, ayaa maanta soo gaba-gabeeyay socdaalkiisii, kadib markii uu kulamo kala duwan oo diiradda lagu saarayay arrimaha maamul dhisidda gobollada dhexe uu halkaas kula qaatay qeybaha bulshada ee deegaanada Waqoyig Galgaduud. Ujeedada kulamadan ayaa ahaa sidii xal waara oo dib u heshiisiineed loogu heli lahaa dadka deegaanka si maamulka ay sameysanayaan uu u noqdo mid loo dhan yahay oo si nabad ah ay dadka deegaanka uga wada qeybqaataan.

Mudane C/qaadir Sh. Cali Diini oo ka qeyb galay munaasabad lagu soo gaba-gabeynayay shirarkii u socday 4ta casho ayaa sheegay in uu aad ugu farax san yahay natiijada laga gaaray wada xaajoodkii u socday, isagoo intaa ku daray Wasiirku in dowladda ay mar waliba garab taagantahay dhaqan gelinta go’aanada dib u heshiisiineed ee ka soo baxay shirka isla markaana ay madaxweynaha iyo Xukuumadda gaar siin doonaan tallooyinkooda.

“Waxaan idin kaga mahad celinayaa sida aad diyaarka ugu tihiin in aad doorka idin kaga aadan dhismaha maamulka Gobollada dhexe aad qaadataan, dhamaan teen maanta waan guuleysanay waxana rajeynayaa in howlaha dhiman ay dhameystiri doonaan xubnaha haray sida Wasiir ku xigeenka Dastuurka iyo Xildhibaanada oo idin la joogi doona”ayuu yiri Wasiirka.

no images were found

Ugu danbeyn, Ugaaska deegaanka Ugaas Axmed Barre Cali oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay dhankooda in ay ka go’an tahay in ay tagaan meel walba oo lagu dhisayo maamulka Gobollada dhexe isla markaana ay diyaar u yihiin kaalinta kaga aaden inay qataan.

—-DHAMMAAD—

Leave a comment

*

Archives
April 2015
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
27282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online