Wasiirka xanaanada xoolaha DFS oo Jabuuti uga qayb galay shir looga hadlayo Cudurka Rif Valley Fever.[Masawiro]

April 22, 2015 - Written by Editor

3Jabuuti:-Wasiirka Xanaanada Xoolaha,Dhirta iyo Daaqa Dowladda Federaalka Soomaaliya Siciid Xuseen Ciid ayaa magaalada Jabouti uga qayb galay Shirka Daah-Furka Shirka Dib-u-eegista Qaababka cusub ee Ganacsiga Xoolaha iyo ka hortaga Cudurka Rif Valley Fever ee Wadamada Bariga Africa iyo Bariga Dhexe kaasoo 21-kii bishaan ka furmay Magaalada Jabouti.

Shirka waxaa diirada lagu saaraya sidii looga hortagi lahaa dib usoo ruqaansi cudurka Rift Valley kadib daadadka iyo roobabka waaweyn ee kusoo noqday qaybo ka mid ah gobolka, waxaa sidoo kale xooga lagu saaray saamaynta ganacsiga iyo doorka wadamada gobolka ee kuwa bariga Africa iyo Bariga Dhexe oo ah dalalka dhoofiya iyo kuwa loo dhoofiyo ay ku leeyihiiin iskaashiga ka hortaga cudurada faafa iyo iskaashi laga yeesho horumarinta ganacsi xoolo oo ka maran cudurada faafa.

Shirka waxaa so qabanqaabiyay ururka Caafimaadka Xoolaha Aduunka(OIE) waxana daahfuray Wasiirka Beeraha iyo Xanaanada Xoolaha Jabuuti Maxamed Farax Ducaale oo sheegay muhiimada Shirka u leeyahay dalaka gobolka guud ahaan,waxaa Shirka si weyn loogu xusey doorka muuqda ee Somaliya ku leedahay kahortaga cudurada maadaama ay tahay dalka ugu weyn ee dhoofiya Xoolaha nool gobolka Bariga Africa waxaana la aqoon sadey isbedelka muuqda ee Somalia ka gaashay caafimaadka Xoolagha iyo daaweyntooda iyadoo kaashanaysa Ururdada Gobolka iyo Kuwa caalamiga ahba.

Waxa Shirka kasoo qaybgalay wakiiilo ka socda dalalka Khaliijka iyo Bariga dhexe iyo Wakiilada Heyadaha Caalamiga ah ee Daneeya Xoolaha iyo Caafimaadka OIE,FAO, WHO, IGAD,AU-IBAR iyo kuwo kale oo badan.

Waxaa Shirka Soomaaliya uga qayb galay Wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa Mudane Siciid Xuseen Ciid,Agaasiimaha Caafimaadka ee Wasaarada Dr.Axmed Cabdi Geedi iyo Libaan Xassan Xaaji Kaaliya Wasiirka,Drs. Xabiiba Shiikh Xasan.

Wasaarada Xanaanada Xoolaha ee Dowlada Federalka waxay indhawayd dedaal weyn ugu jirtaa sidii loo soo nooleyn lahaa doorka Wasaarada ee horumarinta doorka kheyraadka Xoolaha ee dhaqaalaha dalka,iyadoo dhiirigalinayo dhoofinta iyo daryeelka xoolaha,lagana dhaadhicinayo saxiibada ganacsiga iyo dalalka daneeya xoolaha Soomaaliya in kor u qaadaan maalgashigooda ku aadan Xoolaha Soomaliya.

no images were found

Madaxa Warfaafinta Xafiiska Wasiirka.
Faafinta Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
April 2015
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
27282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online