Xaflad sagootin ah oo loo qabtay Ardayda fasalka 8aad Dugsiga Boxaaro ee Sheerbi (Masawiro)

April 12, 2015 - Written by Editor

IMG_8409Qardho:-Xafladan oo ay soo agaasimeen ardada fasalka 8aad ee dugsiga Boxaaro ee Sheerbi ayaa waxaa kasoo qaybgalay mid kamid ah xildhibaanada dowlada Puntland gudoomiyaha waxbarashada gobolka karkaar maamulka sheerbi, odayaal, waalidiin, baahda caafimaadka maamulka macalimiinta iyo ardada school ka.

Maamulaha dugsiga sheerbi C.raxmaan Aaxmed Maxamuud oo ugu horayn xaflada ka hadlay ayaa sheegay in dugsiga Booxaaro uu ka koobanyahay Dugsi Hoose Dhexe iyo sare waxaa dhigta arday tiradooda ay gaaraysao 319 arday oo kala 178 wiil iyo 141 gabdhood, tirada sanad dugsiyeedkan ka gudbi doonto fasalka 8aad ayaa ah 24 arday 12 wiil iyo 12 gabdhood, maamulaha ayaa sheegay in dugsigan tirada ardada gabdhaha iyo wiilasha ay yihiin kuwa aad isugu dhow.

Gudoomiyaha waxbarashada gobolka karkaar Bashiir Amxed Galari oo kamid ahaa marti sharaftii kasoo qaybgashay xaflada ayaa ardada kula dardaarmay inay ahaadaan arday wanaagsan oo dhaqan iyo diin intaba leh sidoo kalena ay dadaalkooda labajibbaaraan natiijo fiicana ay ka keenan imtixaanka kama dambaysta ee sanad dugsiyeedka 2014-2015 oo bilaaban doono bisha shanaad shanteeda gudoomiyaha ayaana balan qaaday inuu gaarsiindoono horumarka ka socda sheerbi dhanka waxbarashada dhamaan hay’adaha ay khusayso arintaas iyo wasaarada waxbarashada dowlada Puntland.

Xildhibaan C.rashiid Siciid Maxamed oo kamid ah xildhibaanada dowlada Puntland kana mid ah xildhibaanada kasoo jeeda deegaanka ayaa sheegay in sheerbi baahiyaheeda ugu waawayn ay yihiin Ceel Biyood iyo Dugsi sare, dhismihii dugsiga sarana la bilaabay howshii ceel biyoodkana ay socoto.

no images were found

Qaar kamid ah ardada dugsiga oo halkaa ka hadashay ayaa u mahadceliyay dhamaan marti sharaftii kasoo qaybgashay xaflada waxayna baaq u direen jaaliyada reer sheerbi, wasaarada waxbarashada dowlada Puntland iyo hay’adaha caalamiga ah inay kala qaybqaataan dhismaha dugsiga sare ee sheerbi oo hada dhismihiisa uu bilowday.
Gabagabadii xaflada ayaa waxaa shahaado sharaf lagudoonsiiya qaar kamid ah baahda waaxbarashada sheerbi waxaana sidoo kale la booqday halka uu ka socdo dhismaha dugsiga sare ee sheerbi waxaana loogu baaqay dhamaan qurba joogta reer sheerbi inay ka qaybqaataan horumarka deegaanka.

Halgan.net
Qardho

Leave a comment

*

Archives
April 2015
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
27282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online