Xildhibaan ka tirsan Puntland oo Muqdisho lagu dilay iyo Gudoomiye Siciid Shire oo ka Tacsiyeeyey.
April 18, 2015 - Written by EditorGaroowe:-Gudomiyaha Baarlamanka Dowladda Puntland Siciid Xasan Shire Ayaa Ka tacsiyeeyay dilka Xildhibaan Aadan Xaaji Xuseen (Aadan Yare) Oo saaka Lagu Dilay Magaaladda Muqdisho.
Gudomiyaha Baarlamanka Dowladda Puntland Siciid Xasan Shire ayaa waxaa uu sheegay in uu soo gaaray dilka alaha u naxariistee xildhibaan Aadan Xaaji Xuseen (Aadan Yare) oo ka soo galay baarlamaanka Puntland gobalka Sool.
Gudoomiyaha baarlamaanka Puntland ayaa tacsi gaara u diray Eheladdi iyo Qarabaddi Uu Ka geeriyooday Xuldhibaan Aadan Yare wuxuuna alle uga baryey in uu janatul fardoos geeyo.
Dilka Loo Geystay Xildhibaan Aadan Xaaji Xuseen (Aadan Yare) ayaa waxaa sheegtay kooxda Al-Shabaab oo dhaqan ka dhigtay leynta umada Soomaaliyeed .
Dhanka kale Madaxweyne kuxigeenka dowladda Puntland Eng Cabdixakiin Cabdullaahi Cumar Camey ayaa tacsi u diray dhamaan ehelada iyo qaraabada Xildhibaan Aadan Xaaji Xuseen oo kamid ahaa mudnayaasha barlamaanka Puntland.
Xuldhibaan Aadan Yare ayaa sida wararka sheegayaan wuxuu u tagay xamar howlo caafimaad waxaana lagu dilay Albaabka Hore ee Isbitalka Digfeer ee magaaladda Muqdisho.
M_M Deeq
Halgan.net