Gudiga Doorashooyinka Dowladdda Puntland Oo La dhaariyey Doortayna Gudoomiye iyo Ku xigeen.[Masawiro]

April 25, 2016 - Written by Editor

IMG_6635Garoowe:-Guddiga doorashooyinka dawladdda Puntland oo uu dhowaan cod Aqlabiyad leh ku ku meel-mariyey Baarlamaank Puntland ayaa maanta 25-April-2016 waxaa lagu dhaariyey xafiiska Madaxweyne ku-xigeenku uu kuleeyahay Qasriga Madaxtooyada Dawladda Puntland ee Garoowe.

Munaasabadda dhaarinta guddiga ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Madaxweyne ku-xigeenka Dawladda Puntland ahna kusimaha Madaxweynaha Eng Cabdixakiim Cabdullaahi Xaaji Cumar Camey, guddoomiyha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Axmed Cali Xaashi iyo xubin kasocotey Maxkamadda sare.

Guddoomiyaha golaha wakiillada dawladda Puntland Axmed Cali Xaashi oo munaasabadda hadal ka jeediyey ayaa ilaahay uga baryey guddiga In uu u fududeeyo shaqada adag ee loo wakiishay, waxana uu ku boorriyey in ay dedaal dheeraad ah sameeyaan si’ay uga soo dhalaalaan waajibaadka baaxadda leh ee loo igmaday.

Dhinaca kale Madaxweyne ku-xigeenka Dawladda Puntland ahna kusimaha Madaxweynaha Eng Cabdixakiim Cabdullaahi Xaaji Cumar Camey ayaa ku  tilmaamay xubnaha guddiga in ay ka kooban yihiin dad aqoon yahan ah isla markaana waayo-aragnimo dheeraad ah u leh arrimaha noocaan ah.

Sidoo kale waxa uu xusay kusimaha Madaxweynuhu in guddigaani ay haystaan firaaqo  ka badan tii ay haysteen guddigii iyaga ka horreeyey isla markaana looga baahan yahay in ay dardar geliyaan hawlaha shaqo ee ay  bulshada Puntland.

Ugu dambayntii Kusimaha Madaxweyanaha ayaa eebbe uga baryey guddiga  in uu u fududeeyo shaqooyinka baaxadda leh  ee loo igmaday, sidoo kalena waxa uu shacabka Puntland ugu baaqay in ay la shaqeeyaan guddiga si’ waddanka loo gaadhsiiyo doorashooyin hal-qof iyo hal-cod ah.

no images were found

—DHAMMAAD—

XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYIGELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

Leave a comment

*

Archives
April 2016
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
252627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online