Shirka ayaa sidoo kale waxaa goob joog ka ahaa Madaxweynaha Dawladda Federaalka, Ra’iisul-wasaaraha dawladda Federaalka, Ra’iisul-wasaare ku-xigeenka, madaxda maamullada dalka ka jira iyo xubno ka mid ah guddiyada wada xaajoodka ee dawladda Federaalka iyo dawladaha xubnaha ka ah.
Shirkaas ayaa ahaa mid loogu gogol xaadheyey shirka madasha madasha wadatashiga qaran, waxaana intiisa badan diiradda lagu saaray sidii laysula meel dhigi lahaa ajandaha shirka berrito furmi doona iyadoona dhammaan madaxdii shirka kasoo qayb gashay ay halkaasi aragtiyadooda kusoo bandhigeen.
Hadaladii madaxda kadib waxaa laysa qaatay in shirka madasha wadatashiga qaran diiradda lagu saaro saddex arrimood oo keliya isla markaana laysla meel dhigo qaabkii loo meel marin lahaa loogana dhabayn lahaa hirgelinta qodobbadaasi, waxayna kala ahaayeen sida soo socota:
1 In laysa meeldhigo sidii dalka ay uga dhici lahayd doorasho wanaagsan oo ummadda Soomaaliyeed u horseedda in la helo dawladnimo dhab ah oo soo celisa meeqaamkii dalka Soomaaliya uu kulahaa dunida.
2 In si qoto dheer looga wada hadlo dhammaystirka dastuurka dalka oo hadda qabyo qoraal ah, oo weliba dhawr mar oo horena wax laga beddeley qodobbo kamid ah dastuurka iyadoo aan lagala tashan dawladaha xubnaha ka ah dawladda Federaalka, isla markaana magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland lagu qabto shirka dhammaystirka qabyo qoraalka Dastuurka.
3 In si dhab ah looga wada hadlo go’aanono looga soo saaro Amniga guud ee dalka oo hadda faraha kasii baxaya maadaama aanay jirin ciidamo qaran oo isku dhaf ah oo wata summada qaranka Soomaaliyeed oo ka hawl gala dhammaan gobollada dalka Soomaaliya, taasina ay tahay sababta ugu weyn ee Amniga guud ee dalka gacanta loogu soo dhigi la’ yahay.
Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in dawladda Puntland ay mar walba u taagan tahay diyaarna u tahay sidii loo heli lahaa dawladnimo Soomaaliyeed oo soo celisa nidaamkii dawladnimo ee dalka oo gebi ahaantiisba bur-buray iyo dhisidda ciidamo qaran oo wata summadda qaranka Soomaaliyeed isla markaana ka hawl gala dhammaan gobollada dalka si loosoo celiyo qarannimadii iyo kala dambayntii.
Sidoo kale Madaxweynaha ayaa sheegay in ay Dawladda Puntland soo dhoweyneyso shirka dhammaystirka qabyo qoraalka dastuurka oo la qorsheeyey in lagu qabto magaalada Garoowe ee Caasimadda Dalwadda Puntland.
no images were found
—DHAMMAAD—
XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYIGELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.