Madaxweynaha Galmudug, Cabdikariim Xuseen Guuleed oo gaaray Addis-ababa
April 30, 2016 - Written by EditorAddis-Ababa:-Madaxweynaha maamul-goboleedka Galmudug, Cabdikariim Xuseen Guuleed iyo wafdi uu horkacayo ayaa gaaray galabta magaalada Addis-ababa ee xarunta dalka Itoobiya.
Madaxweynaha maamul-goboleedka Galmudug, Cabdikariim Xuseen Guuleed ayaa waxaa uu kulamo kala duwan la qaadan doonaa mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Itoobiya.
Madaxweynaha maamul-goboleedka Galmudug, Cabdikariim Xuseen Guuleed ayaa waxaa sidoo kale uu gaari doonaa magaalada Jig-jiga ee xarunta is-maamulka Soomaalida Itoobiya waxaana uu kulan la qaadan doonaa Madaxweynaha Cabdi Cumar Iley waxayna ka wada hadli doonaan dagaaladii ka dhacay deegaanka Dac-dheer .
Madaxweynaha Galmudug Cabdikariim Xuseen Guuleed ayaa waxaa socdaalkiisa ku weheliya wasiirro iyo xildhibaanno ka tirsan maamul-goboleedka Galmudug.
A/Cawale
Halgan.net