Soomaali ma colbaa mise waa saaxiib? (Qeybta 1aad).W/Q Sheekh Axmed Cabdisamad
April 10, 2016 - Written by EditorMa xiriir colaadeed baa ka dhexeeya, mise xiriir dhexdhexaadnimo, mise xiriir saaxiibtinimo mise xiriir nooc kale ah?. Bal aynu eegno kitaabka soomaalida distuurka u ah waxa ku qoran iyo xiriirada muuqda ee u dhexeeya qabiilooyinka ama deegaanada ama kooxaha soomaali u qeybsan tahay; si jawaabteenu aysan u noqon male-awaal.
Soomaali waxaa distoor u ah hal kitaab oo ay wada aaminsan yihiin inuu xaq yahay oo wada saxan yahay, wayna wada jecelyihiin, inkastoo xagga ku dhaqankiisa iyo u adeegidiisa ay ku kala duwan yihiin. Kitaabkaan distoorka soomaalida u ah waxaan u dooranay waxaan jirin wax kale oo ay wada aaminsanyihiin, isku wada raacsanyihiin.
Kitaabkaas waa Qur’aanka kariimka oo nabigii la inoogu soo dhiibayna uu ku sharxay axaadiis caddaynaysa ujeeddooyinka iyo macnayaasha kitaabkaasi xambaarsan yahay.
Xiriirada muuqda ee aan sheegaynana waa waxyaabo ay soomaalidu isku raacsan tahay ee ma keenayno arrimo ay ku kala aragti duwanyihiin.
Tan kale Qur’aanku tilmaamo ayuu wax ku xukumaa ee magacyo ma raaco. Taa macneheedu waxaa weeye in aysan Qur’aanka ku qornayn magaca Soomaali; sidaa darteed waa in aynu helno tilmaan Soomaali wada leedahay oo Qur’aanku uu ka hadlay ama xukumay. Tilmaantaas waa “Muslimiin” .
Su’aasha ah waa maxay xiriirka soomaali ka dhexeeya waxaa ka jawaabaya Qur’aanka iyo xadiiska nabiga, waana sidaan:
Mu’miniintu waa walaalo, Ilaahay wuxuu yiri: “Mu’miniintu waa walaalo uun ee walaalihiin heshiisiiya, Ilaahayna ka baqa waa la idiin naxariisanayaaye”
nabigeenu صلى الله عليه وسلم wuxuu yiri: “muslimiintu waxay la mid yihiin hal nin oo kale oo haddii isha laga qabto uu isagoo dhan xanuunsanayo, haddii madaxa laga qabtana uu isagoo dhan xanuunsanayo”
Wuxuu kale oo yiri: “Mu’miniintu (marka laga eego xaggaa isjscaylka ,isu naxariisashada iyo isu cadifooshada waxay la mid yihiin hal jir oo kale oo haddii xubin ka mid ah xanuunsado jirka kale la wadaagayo xummadda iyo soojeedka”
Qur’aanku wuxuu caddeeyey in mu’miniintu isku hal Naf oo kale yihiin, Ilaahay wuxuu yiri: ” nafihiina ha ceebaynina “
.
Culimadu waxay dheheen looga ma jeedo adigu ha is ceebayn ee waxaa looga jeedaa “walaalkaa muslimka ah ha ceebayn.
Qofka walaalki wax ka sheega waxaa laga dhigay qof naftiisa wax ka sheegay.
Mu’miniintu waxay isu yihiin xigto. Ilaahay wuxuu yiri: “Mu’miniinta qaarkood qaarka kale wuxuu u yahay xigto” Waxaa looga jeedaa xigto isu hiilisa, is caawisa, isjecel iwm.
Haddaba haddaynu ogaanay in dadkeenu yihiin walaalo xigto isu ah oo isku hal jir oo kale ah, isla markaasna isku naf ah ma inoo caddaaday nooca xiriirka ka dhexeeya dadka soomaaliyeed?.
Col iyo cadaawe meesha maka baxay, xinif iyo xarig-kujoogsi-se ma dhammaaday, aano iyo utun hore ayaa jirteyna meesha maka baxday?, shisheeye iyo rag iska celinse ma beenoowday?.
Ilaaha weyn ee inoo soo dajiyey kitaabka Qur’aanka ah wuxuu ina amray:
1- ashahaadada, kolkaas ayaynu niri: Ilaahow waa kaa yeelnay, waana ashahaadanay,
2- wuxuu na amray salaada, markaas ayaynu niri Ilaahow waa kaa yeelnay, waan tukanay,
3- wuxuu na amray soonka, saan waa ka yeelnay oo waa soonay
4- wuxuu ina faray xajka, waxaynu niri: Allow kaa aqbalnay, waana xajinay
5- wuxuu ina ku maray zako, kolkaas baynu niri: Alloow kaa yeelnay oo sakadii waa bixinay.
6- wuxuu inoo sheegay in aynu walaalo isku naf iyo isku jir ah nahay, wuxuuna ina amray in aynu si walaalnimo ah u dhaqano. Markay arrintu halkaa soo gaarto ma idinla qumantahay in aynu dhahno: Alloow waa kaa diidnay oo waa colloobaynaa??!!.
Walaalkayow si daacad ah oo dar Alle ah ayaan kuula hadlayaaye diinta in qayb la yeelo qeybna la diido waa tilmaanta munaafiqiiinta, adduunkana hoog bay keentaa, aakhirana cadaabta midda ugu daran ee cid kale ha u danayn ee naftaada badbaadso oo ogolow, una hoggaansan amarka Rabbigaa ku abuurtay oo xaqa kuugu leh in aad caabudid.
FIIRO GAARA: Cid kaleba yeelkeede adiga hebel ah iyo adiga heblaayo ah yaan afkiina laga maqal reer hebel col baan nahay, addinkiinana hakaga qeybgalinina cuqdad iyo colaad muslimiinta dhextaal ee xil iska saara sidii aad u heshiisiin lahaydeen, walaalaha wax dhexmareena aad u walaalayn lahaydeen. Tan kale ubadkaaga iyo ardaydaada iyo inta kalee kula xiriirta farriintaan gaarsii, kuna qanci, kuna rabbee.
Sheeko xiiso leh oo shabbahda xaalada soomaaliyeed :
Nin baa xanuun la garan waayey ku dhacay. Baaris dheer ka dib waxaa soo baxday in unugyadii jirkiisu is garan waayeen oo ay dhexdooda ka dagaalameen!.
Dabadeed ninkii waxaa la siiyey daawooyinka la siiyo dadka xubnaha laga badalo, sida: beerka, wadnaha iyo kalyaha; si jirka intiisa kale loo baro xubintaan ku soo korortay ee qalada ah. Ninkaas jirkiisa is garan waayeyna sidaas oo kale ayaa la isu baray unugyada jirkiisa.
Haddaba Ikhyaareey halaga soo fakaro dawadii la siin lahaa dadkeena cadowga iyo shisheeyaha isu maleeyey ee dhexdooda ka diriray.