Taliyaha Ciidanka Booliiska Badda dowladda Puntland oo VOA uga waramay ciidamo la geeyey Garacad.[Dhagayso]
April 23, 2016 - Written by EditorGaracad:-Taliyaha Ciidanka Booliiska Badda dowladda Puntland Admiral C/risaaq Diiriye Faarax oo waraysi gaar ah siyey idaacadda VOA ayaa waxaa uu uga waramay Ciidamo ka tirsan Badda Puntland oo saldhig ka samaysatay magaalada xeebta Garacad ee Gobolka Mudug. Taliyaha Ciidanka Booliiska Badda dowladda Puntland Admiral C/risaaq Diiriye Faarax ayaa sheegay nn sababta loo geeyey cidamada degmada Garacad ay tahay in ay ilaaliyaan xeebaha gobolka Mudug ee hoos taga Puntland ayna ilaaliyaan Tahriiba, Kaluumaysiga sharci darada ah iyo in weliba ciidamo ka tirsan al-shabaab ay mar kale ka soo degaan xeebaha Gobolka Mudug ee maamul ahaan hoos taga Puntland.
Hoos ka Dhagayso waraysigii VOA uu siiyey Taliyaha Ciidanka Booliiska Badda dowladda Puntland Admiral C/risaaq Diiriye
[audio: http://radiohalgan.net/media/audio/Mp3/Abdirisaaq-.mp3]M_M_Deeq
Halgan.net