Wasiirada arrimaha dibedda DFS iyo Wasiirada arrimaha dibedda Imaaraadka Carabta kulmay.
April 27, 2016 - Written by EditorMuqdisho:-Wasiirka arrimaha dibedda ee dowlada federaalka Soomaaliya Cabdislaam Cumar Hadliye iyo dhigiisa wasiirka arrimaha dibedda iyo iskaashiga caalamiga ee dalka Isku tagga Imaaraadka Carabta Sheekh Cabdullahi bin Zayed Al Nahyan ayaa waxaa ay kulan gaar ah ku yeesheen magaalada Abu Dhabi.
Wasiirada arrimaha dibedda Imaaraadka Carabta Bin Zayed Al Nahyan iyo wasiirka Arimaha dibedda ee DFS ayaa waxaa ay ka wada hadleen xiriirka labada dal iyo sidii loo sii xoojin lahaa iskaashiga labada dal ee Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta .
Wasiirka arrimaha dibedda ee DFS Cabdislaam Cumar Hadliye ayaa waxaa uu amaanay sida dowlada Imaaraadka Carabta ay u garab taagan yihiin Soomaaliya wuxuuna amaanay dowlada iyo shacabka Imaaraadka Carabta .
Wasiirada arrimaha dibedda Imaaraadka Carabta Bin Zayed Al Nahyan ayaa amaanay horumarka ay DFS ku talaabsatay iyo heshiiska laga gaaray qaabka doorashada 2016.
A/Cawale
Halgan.net