Wasiirka Arrimaha Dibadda DFS Dr.Abdisalaan Omar Hadliye oo dhigiisa UAE la kulmey.[Masawiro]
April 28, 2016 - Written by EditorDr.Abdisalaan Omar Hadliye Wasiirka Arimaha Dibadda iyo Dhiiri gelinta Maalgashiga ee Jamhuuriyadda Fedralka Soomaliya oo booqsho ku joogey Maalmahan wadanka Isutagga imaaraadka carabta Ayaa kulan la qaatey Dhigiisa Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo iskaashiga Caalamiga ee Wadan Isutagga Imaaraadka Carab H.H Sheikh Abadalla Bin Zayid Al Nahyan. intuu socdey kulankasi labadda Wasiir ayaa waxay kawada hadleen xaaladda Siyaasadeed ee Soomaaliya, hormarka ay sameeysey xukuumadda , xiriika walaaltinimo ee soo jireenka ah oo ka dhaxeeya labadda dal iyo weliba sidii looxoojinlahaa iskaashiga labadda dal.
Dhinacakale kulunkan oo ka dhacay Casimadda Wadanka isutagga Imaaraadka Carabta ee magaalada Abu dhabi gaar ahaan Xarunta dhaxe ee wasaaradda Arimaha Dibadda Ayaa waxaa goob joo ka ahaa Danjiraha Jamhuuriyadda Fedralka Soomaliya ee u fadhiya Imaaraadka mudane Abdulkadir Sheekhey Mohamed Al- Hatimi oo runtii door muhiim ah ka qaatey sii loo sii xoojinlaa xiriika soo jireenka ee u dhaxeeya labada dal .
Gaba gabadii kulankaasi wasiir Hadliye wuxuu si aad ugu mahadceliyay Shacabka iyo dawladda Imaaraadka Carabta Mashaariicda ay ka fulinayaa Soomaliya iyo Kaalmadda Bani aadanimo ee ay la garabtagnyihiin marwalabo walaalahooda Shacabka iyo dawladdan Soomaaliyeed gaar ahaan wuxuu mahad gaar ah u jeediyay Madaxweynaha Isutagga Imaaraadka Carabta H.H. Sheikh Khalifa Bin Zayid AL Nahyan, Ku xigeenkiisa ah na Ra’isulwasaaraha dawladda Imaaraadka Carabta Islamarkaasina ah xaakimka Imaarada Dubai, iyo weliba Dhaxalsugaha Imaaradda Abu Dhabi ahna ku xigeenka Teliyaha ciidanka qalabka. Kulankaasi wuxuuna ku dhamaadey Jawi aad u heersareeya.
no images were found
—-DHAMAAD——
Mohamed Sheikh Issak
Halgan.net