Xildhibaan Maxamed Cali Daahiy oo lagu dhaawacay magaalada Muqdisho
April 5, 2016 - Written by EditorMuqdisho:-Waxaa maanta lagu weeraray degmada Xamar weyne ee magaalada Muqdisho Xildhibaan ka tirsan golaha Baarlamaanka dowladda Federaalka Soomaaliya isagoo ka badbaday weerar la doonayo in lagu dilo, Xildhibaanka la weeraray ayaa waxaa lagu magacaabaa Xildhibaan Maxamed Cali Daahiy.
Xildhibaan Maxamed Cali Daahiye ayaa waxaa garaba ka soo gaaray dhaawac waxaan goobta ay ku dileen dablaydii soo weerartay Darawalkiisii iyo mid ka mid ah ilaaladiisa, kooxda weerarka fulisay ayaa ka baxsatay goobta waxaan Xildhibaanka loo qaaday xarun caafimaad oo lagu daweynayo.
Weerarka lagu dhaawacay Xildhibaan Maxamed Cali Daahiye ayaa waxaa sheegtay in ay ka danbeeyeen ururka Al-shabaab oo falal noocaan oo kale ah ku dilay Xildhibaano iyo Saraakiil ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Halgan.net