Xilliga Abaaraha iyo waxa la gudboon Bulshada Sh.C/Naasir Xaji Axmed.[Daawo Video-ga]
April 10, 2016 - Written by EditorLaascaanood:-Iyadoo lagu gudo jiro abaarihii ugu darna ee soo mara waqooyiga iyo Koonfurta dalka Soomaaliya ahna abaaro ba’an oo baabi;iyey dad iyo duunyo ayna socoto qaylo dhaan ballaadhan oo lagu codsanayo in la isku gurmado ayaa waxaa Muxaadro qimo badan soo jeediyey Sh C/Naasir Xaaji Axmed oo ka mida Culimad Soomaaliyeed.
Sh C/Naasir Xaaji Axmed waxaa uu muxaadaradani kaga hadlay waxa la gudboon inay sameeyaan bulshada Soomaaliyeed iyo inay Alle xasuustaan . Shiikhu Wuxuu muxaadarada kaga hadlay qodobadan talooyinka ah:-
1.In Alle loo noqdo oo laga soo noqdo daniyada ay ka galeen Adoomhu Alle iyo iyaga naftooda.
2. Ina la isku celiyo Xuquuda ku kala maqan adoomaha dhexdooda.
3.In L a Soomo oo la Tukado Salaada Roob Doonta oo Ale Sw loo taagto gacmaha .
4.In Adoomuhu ay bixyaan Sadaqo ayna siiyaan dadka Xanuusan kuwood jilicsan iyo dadka aan waxba haysan.
Ugu danbayntii , Sh C/Naasir Xaaji axmed waxaa uu Alle uga baryey Inuu ka dul qaado adoomihiisa imtixaankana abaaraha ha .
Hoos ka Daawo Xilliga Abaaraha iyo Waxa la gudboon Bulshada Sh C,Naaris Xaaji Axmed
En Mawliid Isma Haradigeed
Laascaanood,Halgan.net