Madaxweynaha Jubbaland oo dib ugu soo laabtay Kismaayo.

August 23, 2020 - Written by Editor

Kismaayo:-Madaxweynaha Dowlada Jubaland Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta dib ugu soo laabtay Magaalada Kismaayo ee Caasimada KMG ah ee Jubbaland.

Madaxweynaha ayaa maalmahii lasoo dhaafay waxaa uu safar Caafimaad ku joogay Magaalada Nairobi ee Caasimada Dalka Kenya. Madaxweynaha Jubbaland ayaa waxaa ku soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha ee Sayid Maxamed Cabdulle Xasan ee Magaalada Kismaayo 2-da Madaxweyne ku xigeen Iyo xubno katirsan labada gole ee Dowlada Jubbaland.

Madaxweynaha Dowlada Jubaland Axmed Maxamed Islaam aya la filayaa in maalinta beri ah wafdi uu hoggaaminayo ay safar ku gaari doonaan magaalada Garoowe ee caasimada Puntland halkaas oo ay kulan wadatashi ku yeelan doonaan madaxda Puntland iyo Jubbaland waxaan kulanka diirada lagu saari doonaa qodobadii ka soo baxay shirkii dhawaan ka dhacay Dhuusmareeb.

A/cawaale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
August 2020
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online