Madaxweynaha Dowladda Puntland oo kulan la qaatay bulshada Saaxo.[Video]

August 5, 2020 - Written by Editor

Saaxo:-Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa kulan la qaatay qeybaha kala duwan ee Bulshada degmada Saaxo.

Wuxuu Madaxweynuhu warbixin ku saabsan baahiyaha ka jira deegaanka ka dhegaystay Hoggaanka dhaqanka, Waxgaradka iyo haldoorka Bulshada. Dadka deegaanka ayaa ka mahadceliyay Booqashada Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni oo noqday Madaxweynihii ugu horeeyay ee booqda degmada Saaxo.

Madaxweyne Deni ayaa Bulshada degmada Saaxo uga mahadceliyay soo dhoweynta wanaagsan, wuxuuna la wadaagay xarumaha Dowladdeed ee uu xariga kajaray, kuwa la dhaggax dhigay iyo qorsheyaasha waxqabad ee degmada.

Wafdiga Madaxweynaha waxaa ay isugu jiraan Goleyaasha Dowladda, Lateliyeyaal Madaxweyne, Maamulka Gobolka , Saraakiil Ciidan iyo masuuliyiin kale.

-DHAMMAAD-

XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.

Leave a comment

*

Archives
August 2020
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online