Wasaaradda caafimaadka PL oo amray in qofka imaanaya Puntland ama ka safray uu qaato shahaadada badqabka Covid 19.

August 11, 2020 - Written by Editor

Garoowe:-Dr Abdirisaaq Xirsi Xasan agaasimaha guud ee wasaaradda caafimaadka dawlada Puntland ayaa manta karbaahinta uga warbixiyay xaalada safmareenka Covid19 Puntland sidoo kalana bulshada safraysa kula taliyay inay qataan shahaadada wasaaraddu bixinayso ee baaritaanka Covid19.

“Agaasimaha ayaa ugu horayn waxa uu ka hadlay xaaladaha Covid 19 ee Puntland waxaana uu xusay in maalmihii la so dhaafay xoogaa sara kac ah uu jiro deegaanada kala duwana laga soo sheegayo,waxaa sidoo kale uu walaac ka muujiyay cabsida aduunka la soo daristay ee laga baqayo in wajigii labaad ee xanuunku uu ka bilawday aduunka qaarkiis, waxaana uu shacabka kula taliyay inay feejignaantoodi sii wadaan ayna sii wadaan isticmaalkooda waxyaabaha la iskaga ilaalinayo xanuunka.”

Agaasimaha ayaa sidoo kale ka hadlay safarka dalka dibadiisa oo dib uga bilawday Puntland shalay oo diyaaradii ugu horaysay ay shalay garoonka diyaaradaha Gen. Mohamed Abshir ay soo gaartay waxaana uu dadka safraya ee dalka dibadiisa usafraya uu kula taliyay inay qataan shahaadada wasaaraddu udiyaarisay ee Covid19 inuu ka badqabo cadaynaysa, iyadoo wasaaraddu diyaarisay shahaado caalami ah oo shuruudaha caalamka oo dhan laga doonayo buuxisay, taasi oo aduunka lagu soo kordhiyay in qof kasta oo dhoofaya isticmaalo la’aanteedna aan qofka garoomada ka dhoofi karin, waxaa sidoo kale sheegay in qofka uu soo codsan karo 72 saac ka hor waqtiga uu safrayo loona diyaarinayo.”

Dhamaad-
XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADA CAAFIMAADKA DOWLADDA PUNTLAND.

Leave a comment

*

Archives
August 2020
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online