Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo cisbitaalka Dahar ku wareejisay gaari Ambulance ah.[Masawiro]
August 25, 2020 - Written by EditorDhahar:-Wasiirka wasaaradda caafimaadka Dr Jamac Farax Xasan oo maanta safar shaqo ku tegay magaalada Dhahar ayaa Ambulance cusub ku wareejiyey maamulka cusbitaalka Dhahar.
Ambulance taan oo aay ku deeqday Hay’adda Badbaadada Caruurta (Save the Children) oo ay wada shaqayn wayn leeyihiin wasaaradda Caafimaadka ayaa loogu talagalay in ay ka shaqayso gurdmadka deg dega ah ee bukaanka gaar ahaan hooyooyinka iyo dhalaanoa kuwaas oo mar walba u baahan in ay helaan adeeg caafimaad oo dhamaystiran.
Wasiirka oo hadal kooban ka jeediyey xaflad wareejinta ambulance taan ayaa uga mahaceliyey hay’adda si dhow oo ay ula shaqayso wasaaradda iyo in mar walba hay’addu ay tixgelin siiso fulinta siyaasadaha dowladda gaar ahaan gaaritaanka meelaha laamiga ka durugsan. Wasiirku waxaa uu sido kale maamulka cusbitaalka kula dardaarmay in ay ambulance u isticamaalan baahiyihii loogu talagalay keliya isla markaana dhaqalaystan ilaashadaana.
Wasaaraddu waxay mar walba u heelantahay wax ka qabashada baahiyaha bulsho ee asaasiga ah, waxayna ku shaqaynaysa siyaasadeeda ah in dadka adeega caafimaad loo dhoweeyo.
no images were found
Mahadsnadin
Dhamaad-
XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADA CAAFIMAADKA DOWLADDA PUNTLAND.