Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo cisbitaalka Dahar ku wareejisay gaari Ambulance ah.[Masawiro]

August 25, 2020 - Written by Editor

Dhahar:-Wasiirka wasaaradda caafimaadka Dr Jamac Farax Xasan oo maanta safar shaqo ku tegay magaalada Dhahar ayaa Ambulance cusub ku wareejiyey maamulka cusbitaalka Dhahar.

Ambulance taan oo aay ku deeqday Hay’adda Badbaadada Caruurta (Save the Children) oo ay wada shaqayn wayn leeyihiin wasaaradda Caafimaadka ayaa loogu talagalay in ay ka shaqayso gurdmadka deg dega ah ee bukaanka gaar ahaan hooyooyinka iyo dhalaanoa kuwaas oo mar walba u baahan in ay helaan adeeg caafimaad oo dhamaystiran.

Wasiirka oo hadal kooban ka jeediyey xaflad wareejinta ambulance taan ayaa uga mahaceliyey hay’adda si dhow oo ay ula shaqayso wasaaradda iyo in mar walba hay’addu ay tixgelin siiso fulinta siyaasadaha dowladda gaar ahaan gaaritaanka meelaha laamiga ka durugsan. Wasiirku waxaa uu sido kale maamulka cusbitaalka kula dardaarmay in ay ambulance u isticamaalan baahiyihii loogu talagalay keliya isla markaana dhaqalaystan ilaashadaana.

Wasaaraddu waxay mar walba u heelantahay wax ka qabashada baahiyaha bulsho ee asaasiga ah, waxayna ku shaqaynaysa siyaasadeeda ah in dadka adeega caafimaad loo dhoweeyo.

Mahadsnadin

Dhamaad-
XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADA CAAFIMAADKA DOWLADDA PUNTLAND.

Leave a comment

*

Archives
August 2020
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online