Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha gudaha PL oo soo xiray Tobabar ku saabsan maareynta
August 28, 2020 - Written by EditorGaroowe:- Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federalka iyo Dimuqraadiyeynta Puntland Cabdiweli Mire Xirsi oo soo xiray Tobabar ku saabsan maareynta ka hor taga xalinta khilaafaadka adkeynta Nabadda, Iyo Dib uhishiisiinta.
Tobabarka ayaa waxaa ka faa’ideystay inta uu socday qaar ka mida ah bulshooyinka iyo Gudoomiyaasha Degmooyinka Gobalada Sanaag iyo Sool.
Tobabarka oo soconayey mudo laba cisho ah ayaa waxaa iska-kaashanayey Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federalka iyo Dimuqraadiyeynta Puntland, Ururka IGAD iyo UKAID waxaana goob joog ahaa xiritaanka Tobabarka agaasimaha waaxda Dib uhishiisiinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federalka iyo Dimu qraadiyeynta Puntland Cabdulqaadir Cabdimaalik.
DHAMMAAD.
XAFIISKA WARFAAFINTA IYO XIRIIRKA DADWEYNAHA WASAARADDA ARRIMAHA GUDAHA FEDERALKA IYO DIMUQRAADIYEYNTA PUNTLAND