Wasiirka Amniga iyo DDR Dawladda Puntland oo booq day magaaladda Ballibusle ee Gobolka Mudug
August 14, 2020 - Written by EditorBallibusle – Wasiirka Amniga iyo DDR Dawladda Puntland iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa booqasho ku tagay magaaladda Ballibusle ee Gobolka mudug, soo dhawayn balaaran kadib waxay kulamo la qaateen odayaasha, waxgaradka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada. Waxaa kale oo ay dhagax dhigeen dhismaha xarunta Booliiska ee magaalada.
Waxaa kamid ahaa wafdiga Gudoomiyaha guddiga dhawrista deegaanka iyo khayraadka dabiiciga ah ee golaha wakiiladda Puntland Xildhibaan Fuaad Abshir Adeer, Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Amniga, Gudoomiyaha Gobolka mudug iyo nabadoon Yaasiin Cabdisamad.
Baahintii:
Xafiiska Warfaafinta Wasaaradda Amniga iyo DDR Dawladda Puntland.