Baarlamaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya oo cod Aqalabiyad ah ku ansixiyey heshiiskii Doorashada 2020/21
September 26, 2020 - Written by EditorMuqdisho:-Kulan gaar ah oo ay saaka iskugu yimaadeen Labada aqal ee Baarlamaanka dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa ay ku ansixiyeyen heshiiska siyaasadeed ee doorashada 2020/21 oo dhawaan ay wada gaareen madaxweyanaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Abdullaahi Farmaajo iyo maamul goboleedyada dalka iyo gudoomiyaha gobolka banaadir.
Kulanka saaka ayaa waxaa ka soo wada qayb galay labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyadoona ay soo xaadireen Xildhibaano tiradoodu gaaraya 255,dood iyo falanqayn dheer ka dib waxaa ay Xildhibaanadu cod geliyeen heshiiska siyaasadeed ee doorashada 2020/21 oo ah heshiis u dhow heshiiskii doorashada dadbanayd ee 2016.
Heshiiska siyaasadeed ee doorashada 2020/21 ayaa waxaa u codeeyey 252 Xildhibaan halka ay diideen 2 Xildhibaan waxaana ka aamusay 1 Xildhibaan. Gudoomiayaha Baarlamaanka dowladda Federaalka Soomaaliya ee Aqalka Hoose Maxamed Mursal Shiikh Cabdiraxmaan ayaa ku dhawaaqay natiijada.
Heshiiska siyaasadeed ee doorashada 2020/21 ayaa waxaa uu noqday heshiis ay isla wada gaareen Dowladda Federaalka Soomaaliya , Maamul goboleedyada dalka waxaan meesha ka baxday is jiid jiid badan oo mudo 3 sano ku dhawaad u dhexeeyey Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamul gobolleedyada dalka qaarkiis oo ku dheganaa in dorashadu 2020/21 ay noqoto mid dadban.
A/cawaale
Halgan.net