Ciidanka Booliska Gobolka Karkaar oo gacanta kusoo dhigay 20 dhalo oo khamri ah iyo gaarigii waday.
September 22, 2020 - Written by EditorCiidanka Booliska Gobolka Karkaar gaar ahaan Taliska kantaroolka konfureed ee magaalada Qardho ayaa gacanta kusoo dhigay 20 dhalo oo khamri ah iyo gaarigii waday.
Waxaana saaka lagu soo bandhigay saldhiga dhexe ee magaalada Qardho, iyadoona ay goob-joog ahaayen Guddomiyaha Gobolka Karkaar mudane Siciid Maxamed Faahiye, Taliyaha Qaybta Gobolka Karkaar Cabdi Caseyr Yuusuf, Taliye ku-xigeenka Qaybta Gobolka Karkaar Jaamac Cismaan Axmed, Duqa degmada Qardho Cabdi Siciid Cismaan Garsoore Maxamed Bashiir Axmed, Taliyaha saldhiga dhexe ee magaalada Qardho Cumar hiirad kaatun iyo saraakil ka tirsan ciidan Booliska Gobolka Karkaar.
Guddomiyaha Gobolka Karkaar mudane Siciid Maxamed Faahiye ayaa ciidanka Booliska ku booriyay dadaalada ay kula dagaalamayan noocyada kala duwan ee man-dooriyaha, waxa uuna xusan in maxkamad la gayn doono khamrigaan, sidoo kale waxa uu guddomiyuhu fariin u diray dadka faraha kula jira ka gacansiga khamriga.
no images were found
=DHAMAAD=
XAFIISKA WARFAAFINTA MAAMULKA GOBOLKA KARKAAR.