Madaxweynaha Gal-Mudug oo la Kulmay Madaxweynaha Jabuuti.[Masawiro]

September 4, 2020 - Written by Editor

Jabuuti:-Madaxweynaha Dowladda Galmudug Mudane. Axmed Cabdi Kaariye ‘Qoorqoor’ ayaa maanta kulan la qaatay Madaxweynaha dalka Jabuuti Md. Ismaaciil Cumar Geelle.

Kulankaan oo ka dhacay qasriga madaxtooyada Jabuuti ayay madaxda uga wada hadleen arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin iskaashiga dhinacyada horumarinta dhaqaalaha, ganacsiga iyo amniga.

Madaxweynaha Galmudug waxaa ku wehliyay shirkaan wasiirada Amniga, arrimaha gudaha,gaadiidka iyo masuuliyiin kale. Dhinaca kale waxaa madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ku wehliyay kulankaan Wasiirka Arrimaha Gudaha, Wasiirka Gaadiidka, maareeyaha Guud ee dekadaha Jabuuti iyo Danjiraha Jabuuti u jooga Soomaaliya.

——-DHAMAAD—–

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

* Copy This Password *

* Type Or Paste Password Here *

251,103 Spam Comments Blocked so far by Spam Free Wordpress

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>