Madaxweynaha Jubaland iyo Wakiilada Beesha caalamka oo kulmay. [Masawiro]

September 15, 2020 - Written by Editor

Muqdisho:-Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta mar kale waxaa uu kulan la qaatay Wakiilada Beesha Caalamka gaar ahaan Wakiilka Qaramada Midoobay ee dalka Soomaaliya James Swan, Safiirka Ingiriiska Ben Fender, iyo Wakiilo ka kala kasocday dalka Maraykanka iyo Midowga Afrika.

Madaxweynaha Dowlada Jubaland Axmed Maxamed Islaam iyo wafdigiisa oo ku sugan magaalada Muqdisho ayaa waxaa ay kulamo kale duwan la yeesheen wakiilada Beesha caalamka oo ah kuwa taageera dowladda Federaalka Soomaaliya kulanka maanta ayaa ah kiisii labaad.

Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam iyo Wakiilada Beesha caalamka ayaa kulankooda waxaa looga hadlayay arrimaha Doorashooyinka iyo amaanka iyadoo si qoto dheer loo falanqeeyay Xaalada kala guurka ah iyo siddii ay u dhici lahayd Doorasho la isla ogolyahay.

A/cawaale
Halgan.net

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

* Copy This Password *

* Type Or Paste Password Here *

238,597 Spam Comments Blocked so far by Spam Free Wordpress

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>