Madaxweynaha PL oo la kulmay Xubnaha Puntland ku metala Goleyaasha Dowladda Federaalka.[Masawiro]

September 4, 2020 - Written by Editor

Muqdisho:-Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa caawa kulan casho Sharaf ah u sameeyay xubnaha Puntland ku metala Goleyaasha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa la wadaagay xubnahan warbixin ku saabsan Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya, gaar ahaan marxaladda doorashada ee dalku marayo iyo dadaalka Puntland ugu jirto inay qabsoomto Doorasho la isla ogolyahay oo wakhtigeeda dhacda.

Dhinac kale Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ka qeybgalay munaasabad Qado Sharaf oo ay u sameeyeen xubnaha Puntland ku metala Golaha Wasiirada ee Dowladda Federaalka ah. Kulanka ayaa waxaa ka qeybgalay Xildhibaano ka mid ah labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka ah , La taliyeyaal Madaxweyne iyo Saraakiil Ka tirsan Madaxtooyada Dowladda Puntland.

= DHAMMAAD =

XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND

Leave a comment

*

Archives
September 2020
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online