Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland oo kulan la qaatay Wakiilada Beesha Caalamka ee Soomaaliya.[Masawiro]
September 1, 2020 - Written by EditorMuqdisho:- Madaxweynayaasha Dowladdaha Puntland iyo Jubaland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa kulan la qaatay Wakiilada Beesha Caalamka ee Soomaaliya sida Qaramada Midoobey, Mareykanka, UK, Sweden, Midowga Europe , IGAD, African Union iyo Talyaaniga.
Kulanka oo xubno ka mid ah Wakiilada ay kaga qeybgaleen hab maqal iyo muuqaal ah waxaa looga hadlay xaaladda guud ee Soomaaliya, gaar ahaan arrimaha Doorashooyinka 2020/2021, iyo sidii ay dalka uga dhici laheyd doorasho la isla ogolyahay oo wakhtigeeda ku dhacda.
no images were found
DHAMMAAD
XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND