Madaxweyne Farmaajo oo gudoonka Baarlamaanka labada Aqal kala hadlay sii ambaqaadida heshiiska Doorashooyinka Dalka.[Masawiro]

September 22, 2020 - Written by Editor

Muqdisho:-Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo kulan wadajir ah la qaatay Madaxda Dowlad-Goboleedyada, Guddoonka Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa kala hadlay muhiimadda ay leedahay in la sii ambaqaado qodobbadii ka soo baxay Shirkii Muqdisho ee Wadatashiga Doorashooyinka iyo dhammeystirka Heshiiskii Samareeb 3.

Madaxda ayaa ka arrinsaday sidii ay dalka uga qabsoomi lahayd doorasho wakhtigeeda ku dhacda, kana turjunta hiigsiga iyo horumarka ay ku tallaabsadeen shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed sanadihii la soo dhaafay, si loo xoojiyo xasilloonida, midnimada iyo nabadda dalka.

Kusimaha Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Warbaahinta Madaxtooyada Mudane Cabdirashiid Maxamed Xaashi ayaa tilmaamay dadaalka Madaxdu ay ku bixinayaan sidii loo sii amba-qaadi lahaa dhammeystirka Heshiiska Doorashooyinka oo hagaya in doorashadu ay wakhtigeeda ku qabsoonto.

“Kulanka ayaa ku qotamay sii ambaqaadidda qodobadii Warmurtiyeedkii 17-kii bishan ay wadajirka u soo saareen Madaxwaynaha JFS, Madaxda Dowlad Goboleedyada iyo Maamulka Gobolka Banaadir, kaas oo qodobkiisa 11-aad uu qeexayey in Heshiiskan siyaasadeed loo gudbindoono Baarlamaanka Federaalka si ay u meel mariyaan.”

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo qaadanaya doorka kaga aaddan midnimada iyo ilaalinta wadajirka Shacabka Soomaaliyeed ayaa kula dardaarmay Guddoonka Baarlamaaka in ay sii ambaqaadaan qodobbadii ka soobaxay Shirkii Muqdisho, kana gutaan waajibaadka Dastuuriga ah ee ka saran dhaqan-gelinta qodobbadii ka soo baxay.

DHAMMAAD

Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;

Cabdirashiid Maxamed Xaashi,
Kusimaha Agaasimaha Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta,
Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya

Leave a comment

*

Archives
September 2020
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online