Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland oo shir gudoomiyey shirka golaha wasiirada ee Puntland

September 24, 2020 - Written by Editor

Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa Shir-guddoomiyey Shirka todobaadlaha ah ee Golaha Xukuumadda Dowladda Puntland oo maanta looga hadlay Amniga, xaaladda COVID-19, dhismaha goleyaasha deegaanka iyo la dagaalanka maandooriyaha iyo mobile Furashada.

Wasaaradda Amniga ayaa Golaha la wadaagtay warbixinta xaaladda guud ee Amniga, howlgalada amniga lagu horimarinayo oo meel wanaagsan maraya iyo tayeynta iyo tababarada Ciidamada oo ka mid ah guulaha la mahdiyey ee Dowladdu gaartay, Sidoo kale waxaa laga hadlay sidii loo dardargelin lahaa howlgalada la dagaalanka maandooriyaha iyo Mobile furashada iyo sidii sharci looga soo saari lahaa.

Wasaaradda arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta ayaa Golaha la wadaagtay Xaaladda degmooyinka Puntland iyo dhismaha goleyaasha deegaanka oo meel wanaagsan maraya. Sidoo kale Wasaaradda Caafimaadka waxay iyana la wadaagtay Golaha Xaaladda Covid19 ee Puntland.

Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa bogaadiyey shaqada dowliga ah ee socota waxaana uu faray hay’addaha dowladda in lasii dardargeliyo.

-DHAMMAAD-
XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.

Leave a comment

*

Archives
September 2020
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online