Wasiirka Arrimaha gudaha Puntland oo safar shaqo ku jooga Degmada Rako ee Gobalka Karkaar.
September 29, 2020 - Written by EditorRAko:-Wafti uu hogaaminayo Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federalka iyo Dimuqraadiyeynta Puntland Maxamed Dhabancad oo safar shaqo ku gaaray Degmada Rako ee Gobalka Karkaar.
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federalka iyo Dimuqraadiyeynta Puntland Mudane Maxamed Dhabancad waxaa safarka ku wehlinayey Wasiir ku xigeenka Wasaaradda shaqada iyo shaqaalaha Xildhibaano ka tirsan Barlamaanka Puntland iyo Agaasimaha Waaxda Dowladdaha Hoose ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha DPL iyo Gudoomiyaha iyo Gudoomiye ku xigeenka Gobalka Karkaar.
Ujeedka safarka Waftiga uu hogaaminayo Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha DPL ayaa ku saabsan kormeer shaqo iyo dhismaha maamulka iyo Golaha deegaanka Degmada Rako yo wacyi galinta Hannaanka Geedi Socodka Dimuquradiyada Puntland.
Waftiga uu hogaaminayey Wasiirka Waxaa Degmada Rako ku soo dhaweeyey Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud Maamulka Degmada Rako, odayaasha dhaqanka Iyo baqolaal kamid ah shacabka Degmada Rako.
DHAMMAAD.
XAFIISKA WARFAAFINTA IYO XIRIIRKA DADWEYNAHA WASAARADDA ARRIMAHA GUDAHA FEDERALKA IYO DIMUQRAADIYEYNTA PUNTLAND.