Cabdi Xaashi: “Anigaa soo magacaabaya guddiyada doorashada Gobollada Waqooyi”

November 1, 2020 - Written by Editor

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa dhaliilay qaabka ay dowladda Soomaaliya u maamuleyso doorashada kuraasta baarlamanka ee xildhibaanada gobollada waqooyi, wuxuuna dalbaday inuu isaga soo magacaabo guddiga doorashada ee matalaya gobollada waqooyi.

Cabdi Xaashi, ayaa qoraal uu u diray madaxweynaha, ra’iisul wasaaraha iyo madaxda dowlad goboleedyada waxa uu ku sheegay in intii lagu guda jiray shirarkii go’aannada looga gaaray hanaanka iyo waqtiga doorashada “aan wax tixgelin iyo qadarin ahba la siinin midnimada Qarannimo oo ay u taagan yihiin siyaasiyiinta beelahaas ku metela Dowladda Federaalka Soomaaliya.”

Sababta ayuu ku sheegay in madashii lagu go’aamiyay heshiiska siyaasadeed ee Doorashooyinka 2020/21 iyo habraacyada hirgelinta heshiiskaas “aysan goobjoog ka ahayn” siyaasiyiin ama mus’uuliyiin meteleysa Gobollada Waqooyi ee Somaliland, madashaas oo ay ahayd in ay ku yeeshaan metelaad iyo go’aanba, sida uu yiri.

Waxa uu sidoo kale sheegay in heshiiska shirkii Golaha Wada-tashiga Qaranka “ay ka maqnaayeen” siyaasiyiin metesha Gobollada waqooyi.

Cabdi Xaahsi ayaa sheegay in xukuumadda Soomaaliya aysan xaq u lahayn in magacowdo guddiga doorashada gobollada waqooyi, sida lagu qoray heshiiska doorashada ee ay gaaraan dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada, sababtuna ay tahay inaysan soo magacaabin xubnaha dowlad goboleedyada.

no images were found

Guddoomiayah Aqalka Sare ayaa sheegay in sidaas darteed, uu isaga soo magacaabi doono labada xubnood ee gobollada waqooyi ku matalaya guddiga doorashada heer federal, labada xubnood ee guddiga xalinta khilaafaadka, iyo sideedda xubnood ee guddiga doorashada heer gobol ee gobollada waqooyi.

VOA Somalia
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
November 2020
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online