Ku-simaha Madaxweynaha PL oo abaal marin guddoon siiyey orodyahanada kaalmaha hore ka galay tartanka Orodka 5km ee heer Puntland

November 18, 2020 - Written by Editor

Garoowe:-Ku-simaha Madaxweynaha Dowladda Puntland, Ahna Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa abaalmarin guddoonsiiyey orodyahanada kaalmaha hore ka galay tartanka Orodka 5km ee heer Puntland oo galabta lagu qabtay Garoowe.

Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland ayaa bogaadiyey orodyahanada tartanka ka qeybgalay oo ka kala yimi Gobolada Puntland iyo Masuuliyiinta Wasaaradda Shaqada, Shaqaalaha, Dhallinyarada iyo Ciyaaraha shaqada wanaagsan ee ay qabteen.

Tartanku markii uu dhammaaday waxaa uu Madaxweyne Ku-xigeen Dowladda Puntland uu Abaalmarin isugu jirta lacag iyo bilado guddoonsiiyey saddexdii orodyahan ee kaalmaha hore galay, kuwaasi oo kala ah Maxamed Cabdinuur Jaamac oo kaalinta koowaad galay , Fu’aad Siciid Cali oo isna kaalinta labaad galay iyo Maxamed Muxiyadiin oo kaalinta saddexaad galay.

Munaasabadda waxaa ka qeybgalay Masuuliyiinta Wasaaradda Shaqada, Shaqaalaha, Dhallinyarada iyo Ciyaaraha, xubno ka tirsan goleyaasha dowladda, Maamulka gobolka iyo kan degmada, dhallinyaro, haween iyo marti sharaf kale.

no images were found

DHAMMAAD

XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND

Leave a comment

*

Archives
November 2020
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online