Madaxweyne ku xigeenka Gal-Mudug oo booqday xarunta wasaarada arrimaha Gudaha Gal-Mudug
November 5, 2020 - Written by EditorMadaxweyne Kuxigeenka Dowladda Galmudug Mudane Cali Daahir Ciid ayaa kormeer Hawleed ku tegay Xarunta Wasaarada Arrimaha Gudaha Gal-Mudug Federaalka,& Dib-U-Heshiisiinta Galmudug.
Waxaana ku soo dhaweeyey xarunta wasaaradda wasiir kuxigeenka Wasaaradda Arimaha Gudaha Md. Axmed Cismaan oo Madaxweynaha siiyey warbixin guud oo ku saabsan Wasaaradda.
Intaa kaddib Madaxweynaha ayaa Indha-indheeyey qeybaha iyo Waaxyaha ay ka koobantahay Wasaarada Arimaha Gudaha, isagoona ku ammaanay Masuuliiyiinta & hawlwadeenadda wasaaradda sida quruxda badan oo ay u gudanayaan waajibaadka loo xilsaaray kulana dardaarmay iney sii dardargeliyaan adeegga ay bulshada u hayaan.
Madaxweyne Kuxigeenka ayaa ugu danbayntii masuuliyiinta wasaaradda ku dhiirigeliyey dhameystirka dhismaha goleyaasha deeganka dagmooyinka Galmudug.
no images were found
-DHAMMAAD-
XAFIISKA WARFAAFINTA