Ciidanka Amniga Puntland oo Boosaaso ku qabtay shakhsiyaad la raadinayey oo diyaarinayey waxyaabaha qaraxyada laga sameeyo.[Masawiro]

January 16, 2021 - Written by Editor

Boosaaso:-Ciidanka PSF ayaa waxaa ay hawlgal ay ka sameeyeen magaalada Bosaso e xarunta Gobolka bari waxaan ay howl galkaas ku soo qabteen shakhsiyaad la raadinayey oo diyaarinayey waxyaabaha qaraxyada laga sameeyo ka dibna ay u gudbiyaan Buuraha Calmadow si loogu waxyeeleeyo ciidamada Puntland ee ku sugan buuraha Cal Madow.

Laamaha kale duwan ee Ciidanka amniga Puntland gaar ahaan kuwa madaxtooyada iyo ciidanka Booliska Boosaaso ayaa maalmihii la soo dhaafay waxaa howl galo ay ka sameeyeen xaafaddaha magaalada Boosaaso waxaana ay ku soo qabteen dad fara badan oo qaarkood la sii daayey ka dib baaris lagu sameeyey.

Ciidanka Amniga Puntland (PSF) waxay maalmo ka hor howl gal dhinac amniga ah ka fulyeen Tuulada Afurur ee gobolka Bari.Saraakiisha Ciidanka Amniga Puntland (PSF) ayaa waxaa ay kulamo kala duwan la qaateen saraakiisha kale ee ciidamada Puntland ee ku sugan Afurur.

Afurur waxa ay ka mid tahay meelaha muhiimka ah ee ay saldhigyada difaaca ay ku leeyihiin ciidamada amniga Puntland ee dagaalka kula jira kooxaha argagixisada ah ee Al Shabaab iyo Daacish.
M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
January 2021
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online