Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay oo soo dhaweeyey magacaabista guddiyada doorashooyinka ee Puntland iyo Jubbaland

January 28, 2021 - Written by Editor

Jowhar:-Wafdi uu hoggaaminayo Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay James Swan, oo ay wehliyaan wakiillo ka socda Hay’adda Beeraha iyo Cunnada ee FAO iyo Madaxa Booliska UNSOM, ayaa gaarya magaalada Jowhar waxaan ay kulan la qaateen Madax weynaha Hirshabeelle Cali Xuseen Guudlaawe iyo golahiisa wasiirrada, iyagoo kala hadlay taageerada Qaramada Midoobay ee Hirshabeelle.

Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay James Swan oo la hadlay saxaafadda markii uu gaaray magaalada Jowhar ayaa yiri ” waxaan soo dhoweeyey magacaabista Puntland iyo Jubaland ee guddiyada doorashooyinka isagoo ku tillaabadaas ku tilmaamay mid “wax ku ool ah” waxa uuna xusay in kulanka lagu baaqay ee madaxda Dowladda Federaalka ah iyo kuwa Dowladaha Xubnaha ka ah uu yahay mid waxtar leh.

Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay James Swan ayaa maalmihii u danbeeyey waxa uu kulmo gaar gaar ah la yeeshay Madaxda dowladda Fedralka Soomaaliya iyo Maamul gobolleedyada si looga gaaro xal wada jir ah arrimaha doorashooyinka oo uu khilaaf hareeyey.

Hadalka ka soo yeeray Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay James Swan ayaa ku soo beegmaya xili xalay Puntland iyo Jubbaland ay soo magacaabeen guddiyada doorashooyinka iyadoo isla saaka ay dowladda Federalka Soomaaliya ay ka horyimadeen gudiyadda ay magacaabeen Puntland iyo Jubbland arrinkaas oo sii xoojinaysa in weli jiro khilaafka u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Puntland iyp Jubbland

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
January 2021
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online