Gudoomiyaha Gobolka Karkaar oo Baaq ka soo saaray Colaada ka soo cusboonaatay Degmadda isku-shuban ee Gobolka Bari
January 9, 2021 - Written by EditorQardho:-Gudoomiyaha Gobolka Karkaar Siciid Maxamed Faahiye ayaa waxaa uu Baaq nabadeed ka soo saaray Colaada ka soo cusboonaatay Degmadda isku-shuban ee Gobolka Bari. Gudoomiyaha Gobolka Karkaar ayaa ugu baaqay beelaha walaalaha ah ee ku dagaalamaya Degmadda Isku-shuban deegaanadda hoos yimaadda in ay ka fogaadaan colaada.
Gudoomiyaha Gobolka Karkaar Siciid Maxamed Faahiye Waxaa uu labada dhinac ugu baaqay, in Nabada la qaato oo laga foggaado colaada iyo daadasha dhiigi dadka Ood-wadaagga ah, sidoo kalena uu ugu qaabay cid kasta oo ay khuseyso in ay si dhakhso ah uga hawl-gallaan sidii loo joojin lahaa colaadaasi.
=DHAMAAD=
XAFIISKA WARFAAFINTA MAAMULKA GOBOLKA KARKAAR.